Rag ku labisan dareyska ciidamada Dowladda oo Gudaha u Galay Jaamacadda SIMAD

Rag ku labisan dareyska ciidamada Dowladda oo Gudaha u Galay Jaamacadda SIMAD

SHARE

Rag ku labisan dareyska ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xoog ku galay mid ka mid ah xarumaha Jaamacadda SIMAD ay ku leedahay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo bilaabay howlgallo ay kula dhaqaaqeen ardaydii halkaasi ku sugneyd.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Carab ayaa VOA-da u sheegay in faraca degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) ay weerareen ciidamo ku labisan dareyska ciidamada, isagoona sheegay in falkaan uu yahay midkii ugu horeeyay ee jaamacadda SIMAD lagu soo qaado.

“Arrintaan waa ka duwan tahay dembiyada caadiyan loo geysto ardayda Jaamacadda sida in tuugo ka dhacdo taleefanada iyo Computerada ay wataan” ayuu yiri Guddoomiye Carab oo sheegay inay u soo gurmadeen ciidamada Booliska isla markaana u ballanqaadeen inay baarayaan ciidamada maanta weeraray.

Waxa uu sheegay in gudaha xarunta jaamacadda ay galeen ilaa 6-askari kuwaasi oo ardayda ka qaatay taleefano iyo Computerro isla markaana ay sheegeen inay baarayaan.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in markii ay ciidamada ka baxeen Jaamacadda SIMAD kaddib albaabada la isugu dhuftay, inkasta oo maamulka Jaamacadda uu isku dayayo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka faracyada ay ku leeyihiin degmooyinka hoos yimaada gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY