Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay degmada...

Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay degmada Xaradheere

SHARE

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa dagaalanayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyada degmada Xaradheere ayaa cirka isku shareertay, kaddib markii labada dhinac ay gurmadyo ciidan iyo hub isugu jira ka heleen dhinacyo kala taageersan.

Dagaalkaan ayaa yimid kaddib kaddib markii Al-Shabaab isku dayday inay dadka tuulada Dumaaye oo ka tirsan degmada Xaradheere ay isku dayeen inay xoolo Sakawaat ah ka qaadaan taasi oo ay ka hor yimaadeen shacabka tuuladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay gubeen guryo ku yaala tuulada Dumaaye oo 40km u jirta degmada Xaradheere ay dab qabadsiiyeen, kaddib markii shan ka tirsan iyaga looga dilay weerar dhabbo-gal ah oo maleeshiyada degaanka ku qaadeen.

Dagaal fool ka fool ah oo saakay dhex maray maleeshiyo beeleedyada degmada Xaradheere iyo ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 20-ruux iyadoo tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen, iyadoo dadka rayidka ah waxyeelooyin kala duwan soo gaareen.

Maamulka Galmudug iyo ururka Al-Sunnaha gobolada dhexe ayaa ku dhawaaqay inay u gurmanayaan dadka ku dhaqan degmada Xaradheere oo dhibaatooyin kala duwan ku hayaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax waanwaan ah oo lagu hakinayo dagaalka ka socda degaano ka tirsan degmada Xaradheere, iyadoo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda uu sii xoogeysto dagaalka oo iminka ay ku biirayaan ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka ee ku sugan saldhigyada ay ku leeyihiin gobolada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY