Xasan Sheekh oo sheegay in ay ka jiraan qaladaad deegaannada doorashooyinka ka...

Xasan Sheekh oo sheegay in ay ka jiraan qaladaad deegaannada doorashooyinka ka dhacayaan

SHARE

Madaxweynaha dowladda Faderaalka ah ee dalka,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeyay qiray in qaladaad ka jiraan meelaha ay ka dhacayaan doorashooyinka,wuxuuna marka ku baaqay in la xalliyo qaladaadkaas.

Wuxuu madaxweynaha ka jawaab celinayay cabashooyinka isi soo taraya ee ka soo baxaya doorashooyinka ka socda caasimadaha maamullada dalka,isagoo hadalkan ka jeediyay munaasabad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay jiraan guddiga shaqada lugu aaminay,kuwaaso ku howlan xallinta qaladadka dhacay.

“Waa jiraan qaladaad yar yar , waxay u baahan yihiin in la xaliyo, hadii qalad meesha doorashada ka socoto ka dhacay waxaa jira dad shaqada lagu aaminay oo isugu jira wiilal iyo gabdho, iyaga laga rabaa meesha qaladka ka dhacay inay saxaan”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kalo uu madaxweynaha sheegay in guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal iyo heer gobol mas’uuliyada saaran ay tahay inay xaliyaan qaladaadka jira.

Sidoo kale,wuxuu madaxweynaha ugu baaqay maamul-gobolleedyada in aanay hareer marin wixii lagu heshiiyay ee shirarkii madasha qaran , isla markaan asidii lagu heshiiyay loo meel mariyo.

Wuxuu ku soo aadiyay madaxweynaha hadalkan xilliga ay koryaan cabashooyinka ka soo baxaya qaar ka mid ah doorashooyinka ka socda dalka,kuwaaso qaarkood lugu sheegay in la musuqmaasuqay oo ay jirto is dabamarin.

LEAVE A REPLY