Wadihii gaariga ku qarxay Suuqa beerta: “Aduunyada ayaa ciriiri igu noqotay waxaan...

Wadihii gaariga ku qarxay Suuqa beerta: “Aduunyada ayaa ciriiri igu noqotay waxaan rabay inaan isaga tago.”

SHARE

Warbaahinta ayaa wareysatay nin la sheegay inuu darawal ka ahaa gaarigi shalay ku qarxay Suuqa beerta ee magaalada Muqdisho kaasoo ay qabteen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya, Ninkan ayaa Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi dhigay gaari noociisu ahaa Homy kuraas la’aan ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Xasan Cabdi oo ka soo jeeda degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose, ayaa qirtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab uuna sanad ka hor yimid Xamar, xili uu waraysi siinayey mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayuu Xasan Cabdi waxaa uu sheegay in aduunyada ay ciriiri ku noqotay uuna doonayay inuu isqarxiyo.

ayuu yiri Xasan Cabdi oo galaaftay nolosha dadka badan 30 ruux oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca lixdameeyo kale.

Waxaa uu intaa ku daray in maalmo ka hor la baray sida loo wado gaariga, isla markaana qorshihiisa uu ahaa inuu aduunyada ka tago, waxaana ereyada ninkan la yaabay dadkii dhegeystay.

Ciidamada nabad sugida ayaa la wareegay garaash ku yaalla agagaarka isgoyska Black sea ee degmada Hodan kaasoo ninkan uu sheegay in lagu diyaariyey gaariga qarxay, waxaana la soo xiray raggii la shaqeynayey garaashkaas.

qay qay1

LEAVE A REPLY