Guddiga khilaafaadka ee Doorashooyinka dadban ee galmudug oo lagu amrey in ay...

Guddiga khilaafaadka ee Doorashooyinka dadban ee galmudug oo lagu amrey in ay ka baxaan Galmudug.

SHARE

Galmudug oo ku amrtay Guddiga Doorashadda Dadban inay isaga baxaan Cadaado.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda Dadban uga wakiilka ahaa Doorashadda Galmudug lagu amray inay sida ugu dhaqsaha badan isaga baxaan Caasimadda KMG ee Maamulkaasi ee Cadaado.

Madaxweynaha Galmuddug, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu bixiyey Amarkaasi, sida ay inoo sheegeen ilo ku dhowdhow Maamulka Galmudug.

Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Doorashadda Dadban ee u joogay Cadaado ayaa la sheegay inay dalbadeen Diyaarad Khaas oo ay dib ugu soo laabtaan magaalladda Muqdisho.

cadaadoMa kala cadda sababaha rasmiga ee uu Madaxweyne Guuleed qoonsaday, kuna soo cayriyey xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda.

Maalmihii la soo dhaafay, waxay Guddiga Doorashadda Dadbam sheegeen inay Cabashooyin badan ka heleen qaar ka midd ah Ergooyinka Beelaha ka qeyb galayey Doorashadda xubnaha Galmudug uga mid noqonayo Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabada uu Madaxweynaha Galmudug ku soo cayriyey ayaa ku soo beegantay Toddobaad kadib, markii ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia soo saartay Qoraal lagu muujiyey inay Doorashadda ka dhacday Galmudug tahay tan ugu musuqa badan Doorashooyinka ka dhacay Maamul-gobaleedyadda kale.

LEAVE A REPLY