Galmudug oo Sheegtay in xal laga gaaray murankii taangaa ee Doorashada Xildhibaannada...

Galmudug oo Sheegtay in xal laga gaaray murankii taangaa ee Doorashada Xildhibaannada Galmudug

SHARE

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay xilliga la soo dhammeystirayo xildhibaannada ku matalaya Aqalka hoose.

Madaxweynaha Galmudug,Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay si rasmi ah doorashada Aqalka hoose ee Cadaado ka socota loo soo gaba-gabeyn doono maalinta Arbacada ee toddobadkan oo ku beegan 30 bisha November.

Wuxuu sheegay,Guuleed in xal laga gaaray muran u dhaxeeyay beelaha Galmudug oo sabab u noqday inay dib u dhacdo xilliga la soo dhammeystirayo xildhibaannada ku matalaya Galmudug Aqalka hoose.

“Arbacada waxaa la soo gabagabeynayaa doorashada xildhibaannada Aqalka hoose,waxaana xal laga gaaray dhamman murankii taagna,”ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Doorashooyinka Aqalka hoose ayaan wali ka soo dhammeystirin taaso sabab u noqonaysa inay dib u dhacdo xilliga lugu ballamay dalka inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha.

LEAVE A REPLY