Maleeshiyo beeleedyo dhawaan ku dagaallamay Beledweyne oo lakala qaaday.

Maleeshiyo beeleedyo dhawaan ku dagaallamay Beledweyne oo lakala qaaday.

SHARE

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle iyo Odayaasha dhaqanka ayaa maanta ku Guuleystay In ay kala dhexgalaan Maleeshiyo beeleed maalmihii dambe ku dagaalamayay Galbeedka magaalada baledweyne ee Gobolkaas.

Inta ay socotay waanwaanta lagu joojinaayey dagaalka maalmihii dambe ka dhacayay Galbeedka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa dhacay dagaal sababay qasaaro is kugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Ciidamada Labada maleeshiyo iyo sidoo kale 3-askari oo kamid ahaa Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo halkaas ku dhintay.

Ugu Horeyntii Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Omaan oo Shir jara’id ku Qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan kala qaadista Labada Ciidan kadib ayuu waxa uu digniin adag u diray Labada beelood.

LEAVE A REPLY