Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Xarun waxbarasho oo muhim ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Xarun waxbarasho oo muhim ah.

SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray Jaamacada Farsamada Gacanta ee Boliteknico oo ah goobtii uu Madaxweynahu wax ku soo bartay, isla markaasna ka soo noqday Macalin oo uu qiimaha waxbarashada ka soo bartay.

Madaxweynaha oo ka hadlayey muhiimada waxbarashada ayaa hoosta ka xariiqay sida noloshu u tahay waxbarasho. Madaxweynaha ayaa yiri “Inta badan macalimiintu inay wax-bartaan lama aaminsana, laakin nolosha ayaa ah mid marwalba wax laga barto. Waxbarashadana ma laha waqti kooban. Markaan macalinka ahaa ayaan waxbarashada sii kororsaday oo aan fahmay in waxbarashadu ay kaalin mug leh ka qaadato nolosha waqti walba.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay sida dalku ugu baahanyahay waxbarashada farsamada gacanta ayaa yiri “Jaamicadan Farsamada Gacanta ee Bolitekniko waxaa lagu bartaa barnaamijyo wax tar u leh bulshada, xirfadaha shaqo abuurka oo keeni kara in qoysaska laga masaruufo isla markaasna dhaqaalaha dalka wax u tara. Maanta waa waqtiga uu dalku ugu baahi badanyahay in dhalinteenu ay helaan waxbarasho farsamada gacanta ah oo u suurtogeliya dhalintu inay soo bandhigaan xirfadahooda iyo hab-curuntooda oo keeni kara shaqo abuur.

LEAVE A REPLY