Askari katirsan Dowladda Hoose ee Muqdisho oo diley ruux shacab ah.

Askari katirsan Dowladda Hoose ee Muqdisho oo diley ruux shacab ah.

SHARE

Askari katirsan Ciidamada Ilaalada Deegaanka ee Gobalka Banaadir ayaa lasheegey in uu ku dilay ruux ka ganacsada Qaadka Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Ruuxani ganacsadaha ah ee geeriyoodey ayaa magaciisa lagu sheegey “Muufo”, wuxuuna kamid ahaa ganacsatada qaadka ku iibisa Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Askariga diley ruuxani ganacsadaha ah ayaa la sheegey in uu meesha isaga cararay in kastoo wararka aanu ka heleyno ay sheegayaa in askarigaasi dib loosoo qabtay oo uu iminka gacanta ciidamada ku jirto.

Ciidamada Dowladda hoose ee Gobalka banaadir ayaa iyagu ka qaada ganacsatada lacago ay ku sheegaan in ay tahay canshuur taasi oo marar badan sababta iskudhac shacabka iyo ciidamada ilaalada degaanka ah.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ma’aha mid ku cusub magaalada muqdisho iyadoo ay inta badan ciidamada dadka shacabka ah la mucaamilayaa ay mararka qaar adeeg sadaan awood xad dhaaf ah, taasi oo marar badan sababta in dad ladilo ama ladhaawaco.

LEAVE A REPLY