Abaaraha Soomaaliya oo si adag u saameeyey dadka Gobalka Gedo.

Abaaraha Soomaaliya oo si adag u saameeyey dadka Gobalka Gedo.

SHARE

Iyadoo maalmihii dhawaa ay jirtey in ay Reer guuraaga soomaaliya kacabanayaan Abaaraha ku dhuftay dhulka soomaaliya ayaa waxaa ay sidoo kale saameysay Abaartaasi dad Beeraley ah, kadib markii uu biyo yareeyey Wabiga Jubba oo ahaa mid kamid ah wabiyada Soomaaliya ee ay ka faa’iideysan jireen Beeraleyda Soomaaliya.

Waxaa lasoo sheegayaa in biya yarida Wabiga ay keentey in ay Beeraleydu isticmaalaan Mattoorro kadibna ay halis noqotey in ay mattoorradaasi jabaan oo beera iska daaye lawaayo wax xitaa nata loo cabo.

Gudoomiyaha Gobalka Gedo Max’ed Muxumed Max’ed oo wareysi siiyey Warbaahinta ayaa sheegey in ay dadka degaanku halis u yihiin in ay u geeriyoodaan dhibaatada Abaarta ee saameysay guud ahaan goballada soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Ummadda soomaaliyeed in ay gacan siiyaan dadka walaalahood ah ee ay saameysay Abaarta dalka ka jirta.

LEAVE A REPLY