Gaalkacyo oo maanta ay ka degeen ciidamo Kumandos ah

Gaalkacyo oo maanta ay ka degeen ciidamo Kumandos ah

SHARE

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug maanta waxaa ka degtay Diyaarad ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, taas oo siday Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya.

Ujeedka Ciidankan ay u gaareen Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay sidii ay u ilaalin lahaayeen heshiiska nabadeed ee ay dhowaan kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa horey ugu heshiiyay in Ciidamo kumaandoos ah la geeyo Magaalada Gaalkacyo, si ay u ilaaliyaan heshiiska nabadeed.

Magaalada Gaalkacyo mudo ka badan bil waxaa ku dagaalamayay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaaladaasi ku dhintay dad aad u fara badan, sidoo kalena ku barakacay.

LEAVE A REPLY