Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Gobolka Jubbada...

Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Gobolka Jubbada Hoose

SHARE

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa gaaray Micheal Keating oo ah Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wafdigan ayaa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating uu u gaaray Magalaada Ksimaayo ayaa lagu sheegay sidii uu goob joog uga noqon lahaa Dorashada Aqalka Hoose ee maanta lagu soo gaba gabeynayo Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu doortay 42 xildhibaan, waxaana harsan Hal kursi oo keliya, maadaama Degaanada Jubbaland ay ka imaanayaan 43 Mudane.

LEAVE A REPLY