Wadada Wadnaha Waxaa Dhisay Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Bes.

Wadada Wadnaha Waxaa Dhisay Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Bes.

SHARE

dhismaha wadada WADNHA waxaa sheegtay dawladda Soomaaliya iyo ganacsato dhiig miirad ah oo dantooda uun ka shaqaysa, bal fiiri akhristoow markii wadadaas la dhamays tiray waxaa Furay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay koox ganacsato ah oo iska dhigaysa in ay yihiin kuwii dhisay wadadaas si ay isu muujiyaan iyo madax ka socota gobolka oo iyagana sharaf doon ah.

haddaba ogoow in wadadaasi lagu dhisay hantida shacabka ku dhaqan gobolka Baadir oo kaliya, sababta oo ah hantida gashay wadadaasi waxa ay ahayd lacagihii canshuuraha ahaa ee kal hore laga qaaday guryaha ku yaala gobolka Banaadir, oo Nus malyuun doolar kaliya lagu kabay lacagihii ganacsatada ee lagu bilaabay dhismahaas.

sidaas darteed ganacsatadu waxay dib u bilaabeen markii ay dhameeyeen dhismaha wadadaas in ay ku soo rogaan badeecadihii ay iibinayeen ay ku kordhiyaan lacago fara badan si ay u soo ceshadaan hantidii ka gashay wadadaas.

haddaba waxaa danbi ah iyada oo wadada ay manaafacaadsanayaan gaadiidka xamuulka ah ee sidda badeecooyinka kala duwan in haddana aysan shilin ku yeelan dhismaha wadadaasi, isla markaana ay quudareeyaan ganacsatdu in loo tiiriyo wixii wanaag ah oo ay shacbiga soomaaliyeed ay sameeyeen.

waxaa ayaan darro ah sidoo kale in madaxda dawladdana ay ku andacooto in ay iyaga ka dambeeyaan dhismaha wadadaasi.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY