Madaafiic goor dhow la'isku weydaarsaday deegaanka leego ee gobalka Sh. Hoose.

Madaafiic goor dhow la'isku weydaarsaday deegaanka leego ee gobalka Sh. Hoose.

SHARE

Wararka aan ka heleyno deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Tiro Madaafiic lala beegsaday Saldhiga Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Madaafiicda oo illaa 8 Gantaal garayay ayaa qaarkooda ay gudaha ugu dhaceen Xerada AMISOM ee Leego.

Wararka ayaa intaas ku daraya in AMISOM iyaguna Madaafiic kale ay ku jawaabeen ayna ku hoobteen duleedka deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi la isku weedaarsaday Gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY