Ma Run Baa In Dawladda Xasan Sheekh Max'uud Ay Bixisay Daymihii Dalka...

Ma Run Baa In Dawladda Xasan Sheekh Max'uud Ay Bixisay Daymihii Dalka Soomaaliya Lagu Lahaa? 'Warbixin"

SHARE

Ilaaheey kama cabsan Madaxweynaha haddii uu yiri in dawladiisa ay bixisay dhamaan daymihii lagu lahaa Soomaaliya, waxaa iska cad oo aan caadna saarnayn in dawladda Xasan Sheekh aysan bixin, bixinna karin daymaha lagu leeyahay dalka. sababta oo ah cadadka dayntaasi waxay kor u dhaafaysaa 5 Bilyan oo Doolar.

waxaan wada ognahay in madaxweynuhu uu sidaas u yiri loobinka madaxtinimo ee uu ku jiro awgeed si uu xubnaha cusub ee Baarlamaan uu cod xooggan uga helo, taasina waa damac indha la’ ee uu Xasan Sheekh iska indhatirayo xaqiiqda jirta, waayo waxa uu moogyahay fekerka saxda ah ee uu ka aaminsan yahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

waxaan wada ognahay in Xasan sheekh 4tii sano ee uu xilka haayey dib looga dhacay meeshii markii hore la joogay, waxaa la ogyahay in hanti badan la lunsaday, waxaa la ogyahay in Amaandardii ay korortay, waxaa la ogyahay in wax kasta sidii ay ahaayeen wax iska bedeleen.

haddaba ma haboon tahay iyadii shaqaalaha dawladda aan la siin xuquuqdii ay ku lahaayeen dawladda Xasan Sheekh, uu madaxweynaha la soo hor istaago : waxaa Guul ah in dawladda Soomaaliya ay iska bixisay daymihii lagu lahaa oo dhan. iyada oo uu hadalkaasi run ahayn.

soomaalida maanta waa dad wax yaqaan ah lana socda isbedelada aduunyada ka jira, madaxweynuhuna ma aha in uu arintaasi iska indha tiro isla markaana uu meel fagaara ah isaga oo taagan uu yiraahdo hadallo maangad oo aan ku haboonay dhihidooda nin Mas’uul ah sidiisa oo kale.

sidaas darteed waxaa madaxweynaha la gudboon in uu iska daayo madaxtinimo jacaylka sii indho tiraysa, ee uu aqoonta u lahayn, isla markaana uu soo xusuusto Aakhiradiisa maalin waliba sii halaabaysa, waayo Aduunyadaan waa laga tagayaa waxaana la hortagayaa Ilaaha Wayn hortiisa maalin maamaha ka mid ah, si uu uga shalaayin wixii uu ku soo jawr falay waqtigii yaraa ee uu dunida dul joogay.

LEAVE A REPLY