Jubbaland oo noqotay Maamulkii ugu horreyay ee soo gaba gabeeyay Doorashada Aqalka...

Jubbaland oo noqotay Maamulkii ugu horreyay ee soo gaba gabeeyay Doorashada Aqalka Hoose

SHARE

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashada Aqalka Hoose oo mudo Todobaadyo ah ka sooctay Magaaladaasi.

Doorashadan oo saakay bilaabatay ayaa waxaa lagu doortay kursigii ugu dambeeyay ee xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Jubbaland.

Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa noqday xildhiaankii ugu dambeeyay ee lagu doorto Magaalada Kismaayo, waxaana uu ka mid noqday Baarlamaanka cusub.

Magaalada Kismaayo oo Doorashada Aqalka Hoose lagu soo gaba gabeeyay ayaa waxaa ku sugnaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo xubno kale.

Jubbaland oo Aqalka Hoose ku lahayd 43 kursi ayaa maanta dhameystirtay, waxaana Maamulka Jubbaland uu noqonayaa Maamulkii ugu horeeyay ee soo dhameystira xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Jubbaland.

LEAVE A REPLY