ALAQAACIDA oo sheegtey in diyaarado bilaa duuliye ah ka dileen tiro dad...

ALAQAACIDA oo sheegtey in diyaarado bilaa duuliye ah ka dileen tiro dad ah oo uu kamid yahay Mas'uul sare.

SHARE

Al Qaacida ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah saraakiisheeda sare, Faaruuq Al Qaxtaani, ay ku dileen dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka waqooyiga bari ee Afgaanistaan muddo bil laga joogo.

Washinton qudheeda ayaa dilkan xaqiijisay 5tii bishan November, ayagoo ku tilmaamay inuu ahaa weerar si sax ah u dhacay.

Kunar waa halka lagu dilay Al Qaxtaani Laakinse Al Qaacida waxay sheegtay in xaaskiisa iyo carruurtiisa iyagana la dilay, iyo sidoo kale tiro aan la cayimin oo dagaallamayaal ah.

Maraykanka ayaa Al Qaxtaani, oo ah Sacuudi haysay dhalashada Qadar, ku daray liiska dadka uu aadka u doondoonayey, wuxuuna sheegay in lagu tuhunsanaa ku lug lahaanshaha weerarro la doonayey in lagu qaado Yurub iyo Maraykanka.

LEAVE A REPLY