Muqdisho oo waddo ladhisay, Madaxweynuhu xarigga ka jaray, isla markiina laxirey ...

Muqdisho oo waddo ladhisay, Madaxweynuhu xarigga ka jaray, isla markiina laxirey oo aan dib loo marin.

SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Max’ud ayaa maalin dhoweyd Xarigga ka jaray mid kamid ah wadooyinka ugu muhimsan isusocodka magaalada Muqdisho, taasi oo xirneyd muddo 26 sano ah.

Waddada Cassa Popolaare ayaa dib loo Dhisey islamarkaana ladhameystirey dhismaheeda, waxaana ay ku farxeen bulshada deggan magaalada Muqdisho dhismaha waddadaasi oo muhimad gaar ah u laheyd dadka deggan magaalada, gaar ahaan dadka ku nool Degmada Hodon ee gobalka Banaadir.

Hadaba waxaa nasiib darro ah in markii uu madaxweynuhu xarigga ka jaray waddadaasi islamarkaana la’iclaamiyay in ay furantahay islamarkiiba dib loo xirey iyadoo aanay xitaa ka faa’iidaysan 1 ruux oo kaliya.

Waa su’aale maxaa loogu bixiyey kharashka faraha badan, hadiiba aan loo ogolaaneynin amaba aan ladooneynin in la’isticmaalo?, waa waxyaabaha layaabka dunida lagu tilmaami karo in ruux uu howl badan u galo oo uu ku bixiyo wakhti iyo kharash, isticmaalkoodana uu iska xayiro isagu.

Xiridda wadada ayaa sabab looga dhigayaa in aanay markii horeba furreyn oo ay u xirreyd waaxda soocdaalka iyo Jinsiyadaha soomaaliya oo sabab amni u arka in aysan furaan karin.

LEAVE A REPLY