Jubbaland oo soo gabagabeysay doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka soomaaliya.

Jubbaland oo soo gabagabeysay doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka soomaaliya.

SHARE

Doorashada Aqalka Hoose ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland sida ay idaacadda Risaala ay u sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.

Doorashada oo soo martay dhowr wareeg ayaa maanta lagu wadaa in la doorto Saddexda mudane ee ugu dambeysa ee ka imaanaysa degaanada maamulka Jubbaland.

Labo beelood oo kuraastooda horay uu muran uga dhashay ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Kismaayo ka dib markii guddiga doorashooyinka ay xaliyeen.

Magaalada Kismaayo ayaa saaka ammaankeeda aad loo adkeeyay waxaana lagu wadaa in Magaalada lagu qabto munaasabad ku aadan soo gabagabeynta doorashada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY