Isku tasho ama istuur halagaa tallaabsadee?

Isku tasho ama istuur halagaa tallaabsadee?

SHARE

Magaalada Muqdisho oo aanay shaqeynin Adeegyo Bulsho oo ay dowladi maamusho muddo 26 sano ah ayaa waxaa ay la daalaa dhacayaan Shacabka ku nool nolosha aan lahey saacidaadda, ee ay astaanta u tahay iskutasho ama istuur halagaa tilaabsado.

Waxaa in muddo ah Magaalada Muqdisho ka jirtey noloshaasi dhibka leh, balse waxaan horey loo arkin in cid waliba ay cidda kale ku eeddo dhibaatada lacg la’aanta ah ee kajirta magaalada muqdisho oo horey dadku ahaayeen kuwo u shaqa taga meela kala duwan, sida: Hey’ado, NGOs, Dowlad, Shirkado ganacsi IWM, ayaa maanta kusoo haray oo kaliya Shirkadaha ganacsiga oo iyaguna dadka ku shaqasiiya oo kaliya Qaraabannimo.

Waxaa dhamaan meesha ka baxay 4 tii sano ee ugu dambeeyey Xilli dowladeedka in badan oo ahaa goobo loo shaqa tago, sida: Dekedda Muqdisho, Xarumaha NGOs, Hay’ado Dowli ahaa oo lakala direy iyo Hey’ado wadani ah oo gaar loo lahaa oo shaqada laga fariisiyey.

Arrintani ayaa soo kordhisey dhibaato hor leh oo dalka u keeni karta jahawareer dhanka shacabka ah, waxaana meesha ka baxay waxyaabihii dadka shaqooyinkaasi waayay ay bulshada u qaban jireen oo adeeg ah iyo kharajkii ay soo gelin jireen qoysaskooda intaba.

Hadaba waxaa isweydiin mudan waa maxay fikradda ka dambeysa in lajoojiyo dhamaan Adeegyada iyo Shaqada aan soo sheegnay ee faa’iidadeedu ahayd 2 dhinacle, dhanka shacabka iyo dhanka Ashkhaasta shaqeynayay intaba, waxaana su’aashaasi jawaabteedu u furan tahay cid kasta ee fahmi karta waxa ku kallifay Maamulka jira in uu sidaasi sameeyo.

Sikasta oo ay ahaataba waxaan la’ogey halka uu ku dambeynayo xaalka shacabka danyarta ah ee Muqdisho oo maalmahan u muuqda mid aan wax dan ah laga laheyn amaba aan loo daneyneynin marka ay timaado dhibaato shaqa la’aan iyo shaqa diid ah, taasi oo ay sameynayaan dad isugu jira Ajnabi & Soomaali, Shacag iyo Dowlad intaba.

LEAVE A REPLY