Al-shabaab oo goballada dhexe ka joojisay isticmaalka lacagta Shilin soomaaliga.

Al-shabaab oo goballada dhexe ka joojisay isticmaalka lacagta Shilin soomaaliga.

SHARE

Lagacta Shilin Soomaaliga oo markii horeba la daalaa dhaceysay islamarkaana mareysay heer ah in ay baaba’do ayaa waxaa la sheegayaa in ay joojisey Xarakada Al-shabaab ee ka talisa gobballada Dhexe ee soomaaliya.

Shilinka soomaaliga ayaa markii horeba waxaa dagaal ba’an ku hayay lacgta Dollarka Mareykanka iyo lacagaha Mobile Mony ee ay isticmaalaan Shirkadaha Isgaarsiinta ee kajira soomaaliya qaarkood, kuwaasi oo fududeeyey in lacag soomaaligu gabi ahaanba meesha ka baxdo.

Al-shabaab ayaa dadka khasab kaga dhigay in dadku ay isticmaalaan Adeegga EVC oo kaleya halka ay wax ku kala iibsan jireen lacagta shilinka soomaaliga ee dhamaadka ah, taasi oo ay dadku si aad ah ugu qanacsanaayeen.

Dhab ahaan lama garanayo waxa kallifay in ay Al-shabaab xilligaani joojiso lacagaha soomaaliga ah, waxaase la saadaalinayaa in ay u cuskanayaan in wax looga iibsan waayay iyaga marka ay ula safraan meelaha kale zakawaadka ay uga qaadaan lacag soomaaliga amabba ay ku cuslaato in dhaqsi loogala wareego.

hadaba waxaan jirin cid xil iska saarto oo dhanka dowladda ah taasi oo u sii sahleysa in ay dhacdo musiibo qaran oo ku habsata ummadda soomaaliyeed ayna suura gal noqon karto in soomaaliya ay lagac la’aan ahaato goor dhow.

LEAVE A REPLY