Nayjeeriya oo sheegtay in ay ciidamo Amniga wax kasuga u soo direyso...

Nayjeeriya oo sheegtay in ay ciidamo Amniga wax kasuga u soo direyso Soomaaliya.

SHARE

Dowlada Nigeria ayaa sheegtay iney Somalia u soo direyso ciidamo ay sheegtay inay kaalin ka qaadan doonaan sugidda Ammaanka doorashadda.

Illaa 140 askari ayey sheegtay dowlada Nigeria iney Soomaaliya u direyso kuwaasoo sidoo kale tababaro la xiriira habka loo sugo amaanka doorashooyinka siinaya ciidanka Booliska Soomaalida.

AMISOM ayaa horey u codsatay Kumanaan Askari oo dheeraad ah oo ka kala yimaada dalalka Afrika si ay uga qeyb galaan weerar ay ku doonayso inay ku qaadaan Goballadda ay Xarakadda Alshabaab ku sugan yihiin si looga hortago in Al-shabaab ay weeraro khatar ah geystaan xiliga doorashooyinka.

Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa sheegay in Ciiddanka AMISOM muhiim u yahay Sugidda Ammaanka Doorashadda ka dhacayso Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Al-shabaab ka saareen Muqdisho, balse aysan AMISOM weli ku guuleysanin inay Alshabaab ka saaraan Dooxadda Jubba, Goballadda Bakool iyo Hiiraan iyo dhamaan degaanadda ku teedsan Xeebaha.

Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay weeraro culus fulin doonaan muddada ay Doorashooyinka ka socdaan Somalia, waxayna xuseen inay doorashaddan tahay wax ay reer Galbeedku wataan oo aaney dan ugu jirin Soomaalida.

LEAVE A REPLY