Maraykanka oo qaar kamid ah ciidamaiisa gaarka ah ku biiriyey ciidanka ladagaalanka...

Maraykanka oo qaar kamid ah ciidamaiisa gaarka ah ku biiriyey ciidanka ladagaalanka Al-shabaab.

SHARE

Warbixinno xas-saasi ah oo kasoo baxaya Magaalo xebeedka kismayo ayaa sheegaya in Ciidamadda Hoowlagalka Gaarka ah ee Mareekanka iyo cutubyo katisan Ciidamadda Doowladda Soomalia ay Deegaanka Baarxaano ee Gobolka Jubadda Hoose ku Beegsadeen Dagaalamaaysha Al-shabaab.

Warbaahinta Sofrep oo Soo xiganeeysa Illo Wareedyo Millitry iyo Sawirro ay Qaadeen Wariyeyaal Maxalli ah ayaa Qortay in Ciidamadda Mreeykanku ay Kaqeeyb Qaateen Weerar Lagu Qaaday Beerxaano Ismarkaana ay HAlkaas ku Xireen Dhoowr Ruux oo loo ga Shakiyay in ay Xiriir laleeyihiin Xarakadda Al-shabaab, Sidoo kale Sidoo kale Ciidamadda Maamulka Jubbland oo Howlgal Qeeybka ahaa ayaa lasheegay in ay Dab Qabadsiiyeen Afar Guri.

Waxa kaliya ee laga Ogyahay Hoowlagalka Lugta ah ee Al-shabaab ;agula Dagaalamayo ayaa ah in Ciidamadaasi ay ka Tirsanyihiin Taliska loosoo Gaabiyo SOCAFRICOM, ama Taliska Kale ee JSOC, ayna Ciidmadaas Qeeybo kamid ah ay Kusuganyihiin Soomaliya.

Ciidamadda Gaarka ah ee Mareeykanku waxaa Soomaliya ugu Hoowlgalijireen Iyagoo Adeegsanaya Diyaarado Millitry oo ay ku weeraraan Xurumaha ay ku Suganyihiin Masuuliyiin Sare ee Al-shabaab, Hase Ahaatee Hoowlgalkaan lugta ah ayaa Kadhigan in Mareeykanku uu Kordhiyay Hoowlgalkiisa Ladagaalanka Argagixisadda ee Soomaliaya

LEAVE A REPLY