Kismaayo, Baydhobo, Cadaado iyo Jowhar oo ka socota doorashooyinka aqalka hoose

Kismaayo, Baydhobo, Cadaado iyo Jowhar oo ka socota doorashooyinka aqalka hoose

SHARE

Doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa dib uga furmay Maanta magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Baydhobo iyo Jowhar, xilli ay jiraan dhaliilo lal xirrira Musuq-maasuq lagu sameynayo Kuraasta.

Magaalada Jowhar waxaa 5 maalmood kadib saakay ka billowday Codbixinta Doorashada, waxaana Kursiga ugu horeeya kusoo baxay Maxa’uud Maxa’ed Jimcaale, waxaana dhiman 4 Kursi oo maanta la dooran doono.

Doorashada Koonfur Galbeed ee ka socoto Baydhabo waxaa guulaystay;

  1. Saalim Caliyow Ibroow
  2. Isgoowe Deerow
  3. Cali Sheekh

Magaalada Cadaado waxaa la doortay Cabdiwali Qanyare Afrax, oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka uu Waqtigu ka dhammaadey.

Doorashada ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaa kusoo baxay Xildhibaano uu kamid yahay Cali Cusmaan Xirsi.

Arrintaan ayaa  timid Xilli Qaramada Midoobay ay guddiga doorashada ku amartay inay dhaqso usoo afmeeraan doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee Barlamanka Federalka dalka Somalia.

LEAVE A REPLY