Gudoomiyaha cusub ee Degmada Waaberi oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Waaberi oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

SHARE

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Degmada Waaberi ayaa waxaa xilka Gudomiye-nimo lagu wareejiyay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Waaberi Xuseen Axmed Culusow, waxaana xilkaasi horey u heysay Xaawa-kiin Maxamuud Cali oo aheyd Gudoomiyihii Degmada Waaberi.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ismaaciil Macallin Cabdi Guure, Gudoomiyihii hore ee Degmada Waaberi iyo xubno kale.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Waaberi Xaawo-kiin Maxamuud Cali oo munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay in is bedel badan ay ku sameysay Degmada mudadii ay xilka heysay.

Sidoo kale Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Maamulka Gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin cabdi Guurre ayaa kula dar daarmay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Waaberi in shaqadiisa uu u guto si wanaagsan.

Dhowaan ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha xilkii looga qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Xaawo-kiin Maxamuud Cali.

1w-4 2w-4 3w-4 4w-4 5w-4

LEAVE A REPLY