Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay degaanka Bariirre.

Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay degaanka Bariirre.

SHARE

Wararka naga soo gaaraya degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu saaka ka dhacay degaanka Bariire.

Dagaalka oo socday Muddo saacada ah ayaa la sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen Al-Shabaab sida ay Risaala u sheegeen Qaar ka mid ah dadka kunool degaanka Bariire.

Dagaalka ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac , inkastoo wali aysan shaacin labada dhinac khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay degaanka Bariire.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa inta badan dagaalo khasaare badan geysta waxa ay ku dhex maraan degaano iyo sidoo kale degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY