Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo dagaal ku dhex maray Degaanka Bariire

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo dagaal ku dhex maray Degaanka Bariire

SHARE

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in saakay uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu socday dhowr saacadood, waxaana la isku adeegsaday Hub cul culus, iyadoo deegaano dhowr ah laga maqlayay daryanka rasaasta dagaalkaasi la isku weydaarsanaayo.

Weerarkan oo lala beegsaday saldhigyo  Shabaab ku leeyihiin deegaankaas, ayaa loo adeegsaday diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxayna suuro galisay in goobtaasi laga saaro Shabaab.

Wararka qaar , ayaa  tilmaamaha in dagaalkaasi lagu soo furtay maxaabiis u xirnay kooxdaasi islamarkaana gacanta lagu dhigay horjooge aan la sheegin magaciisa, iyadoo Saraakiisha dowladda ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

Dhinaca Al Shabaab war kasoo baxay, waxaa lagu xaqiijiyay weerarkaasi, balse waxay meesha ka saareen inuu jiro saldhiga lagala wareegay iyo qabashada horjoogahaasi, waxayna tilmaameen inay iska difaaceen.

Muddooyinkii dambe waxaa xooggaystay howlgallada wadajirka ah ee laga fulinayo gobolka Shabeellaha hoose, waxaana dagaalladaasi kaalin weyn ku leh dowladda Maraykanka oo ciidanka dowladda Soomaaliyaa ku saacidaysa diyaarado iyo ciidamo gaashaaman.

 

LEAVE A REPLY