Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya oo Loo Xil Saaray Baaritaanka Israsaaseentii Ka Dhacday...

Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya oo Loo Xil Saaray Baaritaanka Israsaaseentii Ka Dhacday Hir-shabeelle

SHARE

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa loo xil saaray baaritaanka kiiska israsaaseentii dhawaan ka dhacday Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle kadib markii uu muran ka dhashay mid kamid ah Kuraasta Xubnaha aqalka Hoose.

Wafdi uu Hogaaminaayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya ayna kamid ahaayeen Taliyayaasha AMISOM, Nabad Sugida, Booliska iyo Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ayaa shalay gaaray Magaalada Jowhar kuwaasi oo isku taagay sidii loo xalin lahaa qilaafka dhashay mid kamid ah kuraasra xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee deegaanada maamulka Hir-shabeelle.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashoyinka Dadban Abuukaate Cumar Dhagey oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in baaritaanka kiiska israsaaseenta ka dhacday Magaaladaas loo xil saaray Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir iyo ku-xigeenadiisa ayna ka sugayaan natiijo wanaagsan.

“Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaan u xilsaarnay baaritaanka kiiska israsaaseenta dhawaan ka dhacday Magaalada Jowhar ee ka dhalatay muranka mid kamid ah kuraasta xubnaha aqalka Hoose ee baarlamanka Federaalka Soomaliya, waxaan rajeenaynaa in natiijo wanaagsna ay kasoo baxdo arintaas”, ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashoyinka Dadban.

Dhawaan Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux oo kamid ahaa musharixiinta xubnaha aqalka Hoose ayaa markii uu xaqiiqsaday in looga adkaanayo hadii uu tartamo wareega labaad waxaa uu kiciyay buuq, isagoo ka baxay hoolka shirka, islamarkaana dad taageersan ay damiyeen korontada howlka shirka jowhar, waxaana kadib bilowday buuq iyo gacan ka hadal dhex maray ergada labada dhinac taageersaneyd.

LEAVE A REPLY