Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug iyo Saraakiil Mareykan ah oo wada hadlay

Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug iyo Saraakiil Mareykan ah oo wada hadlay

SHARE

Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug iyo sidoo kale Saraakiil Mareykan ah ayaa ka wadahadlay ciidankii Galmudug ee dhawaan dowladda Mareykanka ay ku dishay degaanka Jeexdin oo ku yaalla Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Mareykanka ah ayaa waxa ay sheegeen in aysan aheyn ciidankii ay dileen Shabaab ,lakiin ay ahaayeen Maleeshiyo beeleed kasoo jeeda degaanada Maamulka Galmudug.

Kulanka oo Qaatay dhowr saacadood ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay Suldaan Cabdi Naasir Jamac Seed oo ka Mida Saladiinta Deganada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Suldaanka ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ah ay kala hadleen Hantidii lagu burburiyay Weerarkii Jeexdin iyo sidoo kale ciidankii lagu dilay.

Waxaa uu sheegay in ay ku raja weyn yihiin in dowladda Mareykanka ay Magdhow ka bixin doono dilkii ay u geystay ciidanka Galmudug.

Waxaana uu sidoo kale sheegay in waxgaradka Galmudug ay soo dhaweynaayaan Qirashada dowladda Mareykanka ee ah in ay dishay ciidanka kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo oo aan shabaab aheyn.

LEAVE A REPLY