Gudoomiyahii Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Maamulka Puntland oo is calisay

Gudoomiyahii Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Maamulka Puntland oo is calisay

SHARE

Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) oo ahaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Maamulkaasi.

Gudoomiyahii Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Maamulka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) oo qoraal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka ayaa wuxuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii Gudoomiye-nimada, sidoo kalena Madaxweynaha Puntland uu ka aqbalay codsigaasi.

Axmed Kismaayo ayaa xilkan hayey bilihii ugu dambeeyey, wuxuuna ka shaqeynayay arrimaha ku saleysan sidii ay Doorasho xor ah uga dhici lahayd Degaanada Puntland dhamaadka waqtiga xukuumada hada jirta.

Warar kale ayaa sheegaya in is casilaada Axmed Kismaayo laga yaabo in ay qeyb ka tahay Is faham-waa mudooyinkii u dambeeyey u dhaxeeyey xubnaha guddigan uu ka kooban yahay.

LEAVE A REPLY