Al-shabaab oo jilib ku toogtay nin ajnabi ah oo ay ku sheegeen...

Al-shabaab oo jilib ku toogtay nin ajnabi ah oo ay ku sheegeen jaajuus

SHARE

Wararka naga soo gaarayo Degmadda Jilib ee Gobalka J/dhexe ayaa sheegayo inay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab toogteen Nin Ajnabi oo u dhashay dalka Tanzania, kaasi oo lagu helay inuu Basaas u ahaa Hay’adaha Sirdoonka ee Maraykanka iyo Ruwanda.

Ninkaasi oo lagu magacaabi jirey Ciise James Mwaisige ayaa lagu helay inuu Xogaha iyo Dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab u gudbin  jirey Hay’addaha Sirdoonka CIA-da Maraykanka iyo Sirdoonka Ruwanda.

Ciise James Mwaisige ayaa la sheegay in uu Hay’adahaasi ka helay lacag dhan 4,000 oo Dollar, si uu u maleego shirqool lagu dili lahaa Hoggaamiyayaal Sarsare oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

Muuqaal ay Xarakadda Alshabaab soo bandhigeen ayaa muujinaya iyadoo Eedeysanahasi u dhashay dalka Tanzania lagu tooganayo Fagaare ku yaalla Degmadda Jilib.

Boqolaal dadweyne ayaa goob-joog ka ahaa Xukunka Dilka ee lagu fuliyey Ninkaasi.

LEAVE A REPLY