Guddoomiyihii hore gobolka Banaadir,Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in loo diidey inuu u tartamo kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose.
Sida ku cad qoraal la soo dhigay barta uu Twitter-ka ku leeyahay,wuxuu sheegay in laga hor-istaagay inuu u tartamo kursiga Xildhibaannimo ee beeshiisa.
Tartan,wuxuu u sababeeyay waxa ugu weyn ee keenay inuu u tartamo xildhibaan,markii ugaaska beeshiisa uu lacag siiyay madaxweynaha,Xasan Sheekh.
“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo kursiga Xildhibaannimo si fudud ah, kaddib markii Ugaaska Beesheyda uu lacag fiican ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh”ayuu yiri Tarsan.
Wuxuu ka mid yahay Tarsan musharixinta ka qayb-galaya doorashada madaxweynaha ee dhawaan ka dhacaysa Muqdisho,wuxuuna horay uga dhawaaqay xisbi siyaasadeed uu doorashada ku matali doono.