Shil Tareen oo ka dhacay India oo gaystay khasaare Dhimasho iyo Dhawaac...

Shil Tareen oo ka dhacay India oo gaystay khasaare Dhimasho iyo Dhawaac leh

SHARE

Shil tareen oo geystay dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa saaka ka dhacay dalka India, waxaana isa soo taraya wararka ku saabsan shilkaasi.

Tareenkan oo ay la socdeen boqolaal ruux ayaa la sheegay inuu wadada ka baxay, ka dibna uu rogmay xili uu marayey inta u dhexeysa magaalooyinka Patna iyo Indore oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh.

Ugu yaraan 90 ruux ayaa illaa hadda la xaqiijiyey iney shilkan ku dhinteen, halka 105 kale oo dhaawac ah la gaarsiiyey goobaha caafimaadka, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada saacadba saacada ka dambeysa.

Ciiidanka Booliska iyo shaqaalaha gurmadka ayaa gaaray goobta uu tareenkan ku qalibmay, iyagoo dadka soo saaraya burburka tareenkan oo sida la sheegay ahaa mid aad u dheer.

taren2 taren3 taren6 taren7

LEAVE A REPLY