Shaqsiyaad ka mid ah kooxda Daacish oo gacanta lagu dhigay lana xukumay...

Shaqsiyaad ka mid ah kooxda Daacish oo gacanta lagu dhigay lana xukumay (sawirro)

SHARE

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday shaqsiyaad ka mid ah kooxda Daacish oo gacanta lagu soo dhigay.

Maxkamadda ayaa dilkan u cuskatay xeerarka Maxkamada iyo La dagaalanka Argagixisada, waxaana ay qirteen kooxdan in ay ahaayeen Saraakiil kamid ah kooxda Daacish oo ay doonayeen in ay la dagaalamaan Ciidamada Puntland.

Saraakiisha Maxkamadda ayaa faah faahin ka bixiyey goobaha laga soo qabtay kooxahan oo ay hadda ciidamadu hayaan.

Dadka La xukumay ayaa kala ah.1. Salaax Xuseen Ibrahim, oo ka tirsanaa Daacish waxa ay maxkamadu ku riday xabsi daa’in.

2. Cabdifitaax Jamaal Cabdi oo katirsanaa Daacish waxa ay maxkamadu ku riday xabsi daa’in.

3. Cabdikariin Siciid Cabdi oo dhawaan lagu qabtay bistoolado uu ku soo qariyay doon ka timid Yemen waxa ay maxkamadu xukuntay 20 sano oo xarig ah.

4. Cabdiqaadir Mahad Nuux oo ah ganacsade oo hub lagu qabtay waxa ay maxkamadu ku riday shan sano oo xabsi ah.

5. Cabdirisaaq Xayir Dacar. waxa ay maxkamadu usoo celisya xoriyadiisii.

2s 3s 4s

LEAVE A REPLY