Micheal Keating oo la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle “SAWIRRO”

Micheal Keating oo la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle “SAWIRRO”

SHARE

Micheal Keating oo ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle, Guddiga doorashooyinka heer gobol.

Mr. Micheal Keating ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo hirgelin lahaa shuruucda doorashooyinka.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle ugu baaqay in la dar dar geliyo doorashada Aqalka Hoose, isagoo sidoo kale sheegay muhiim in ay tahay in la xaqiijiyo Qoondada Haweenka.

Micheal Keating ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo Ergeyga Qaramada Midoobey uu la kulmay Guddiga doorashooyinka heer gobol, isagoo kala hadlay shaqaaqadii dhowaan dhacday, isagoo xusay in muhiim tahay in la adkeeyo nabadgelyada halka ay dhaceyso doorashada.

LEAVE A REPLY