Ganacsade ay gabadhiisa ka mid tahay Ergooyinka Doorashadda oo Muqdisho lagu dilay

Ganacsade ay gabadhiisa ka mid tahay Ergooyinka Doorashadda oo Muqdisho lagu dilay

SHARE

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay galabta Suuqa Khudaarta Siinaay ku dileen Marxuum Daahir Cumar Afrax oo ka mid ah Ganacsatadda mooska ku iibiya Suuqa Siinaay ee Degmadda Wardhiigleey ee magaalladda Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa  sheegay inay rag ku hubeysnaa Bistoolado geysteen dilkaasi, kuwaasi oo ka baxsaday isla goobta, markii ay dileen Marxuumkaasi.

Dhinaca kale, Ciiddan ka tirsan Boliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaanka falka lagu dilay Marxuumkaasi.

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo dilay Marxuumkaasi oo ka mid ah Ganacsatada caanka ka ah Suuqa Siinaay.

LEAVE A REPLY