Xabad joojin 48saac oo laga soo sheegay Yaman

Xabad joojin 48saac oo laga soo sheegay Yaman

SHARE

Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee qeybta ka ah dagaalka Yemen, ayaa shaaciyay xabbad joojin ila 48 saac ah, oo dhaqan galaysa saqda dhexe ee caawa.

Waxa ay sheegeen in xabbad joojinta la kordhin doono haddii Xuutiyiintu ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay gargaarka bani’aadannimo u ogolaadaan deegaannada ay ka taliyaan.

In ka badan toban kun oo qof ayaa ku dhimatay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socday labaatankii bilood ee lasoo dhaafay.

Xuutiyiinta ayaan weli ka hadlin xabbad joojinta la shaaciyay, waxaana horay u burburay dhowr xabbad joojin oo horay loo gaaray.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa maalmo ka hor sheegay in xulafada iyo Xuutiyiinta ay isla meel dhigeen in colaaddaha ka jiray Yaman la hakiyo.

Balse dowladda caalamku aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdurabbah Mansuur Haadi, ayaa diiday xabbad joojinta, waxaana ay ku an dacooneysaa in aan lagala tashanXuutiyiinta dalkasi yaman.

 

LEAVE A REPLY