Weerar lagu qaaday Boob uu ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug magaalada Gaalkacyo.

Weerar lagu qaaday Boob uu ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug magaalada Gaalkacyo.

SHARE

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen Hotel uu Magaalada Gaalkacyo uu ka degan yahay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kooxihii weerarka soo qaaday iyo sidoo kale ilaalada Madaxweynaha ayaa dagaalamayay Muddo dhowr saacadood ah , waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in weerarka ay soo qaadeen kooxo ka caraysan kala qaadistii shalay lagu sameeyay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo Saaka degan inkastoo wararka Qaar ay sheegayaan in kooxaha weerarka soo qaaday ay ka yimaadeen dhanka Puntland.

LEAVE A REPLY