Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa durba deyro ka muujiyay Heshiiskii Galkacyo

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa durba deyro ka muujiyay Heshiiskii Galkacyo

SHARE

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa durba deyro ka muujiyay Heshiiska xabad joojinta ay wada galeen maamulka Galmudug.

Deyrta Madaxweyne Gaas ayaa timi kadib markii weerar Bambaano oo ciidamada Galmudug ay xalay ku qaaden Saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin magaalada Gaalkacy.
Madaxweyne C/wali Gaas waxa uu sheegay inay adkaaneyso sii socoshada Heshiiska labada dhinac waxa uuna arrin laga fiican yahay ku sheegay in Heshiis kadib ay mar waliba Galmudug Weerar soo Qaadaan

Gaas waxa uu sheegay in dhankooda ay ka Go`an tahay In ay Bulshadda kuwada ku dhaqan Gaalkacyo ay kuwada noolaadaan nabad balse Galmudug ay tahay mid aan u baahneyn in nabad ay kunoolaadaan Shacabka ku dhaqan deegaankaasi

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Galmudug ay habeenimadii xalay weerar culus ku qaaden Saldhigga Miir ee xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkacyo oo ay ka arimiso Puntland.

Ciidamada Galmudug ayaa lagu eedeeyay inay qaadan weeraro gaadmo ah Heshiiska kadib, waxa ayna Puntland sheegtay inaanu u dulqaadan doonin weeraro gaadmo ah.

LEAVE A REPLY