England oo shaacisay in ay Safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya.

England oo shaacisay in ay Safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya.

SHARE

Dowladda UK ayaa shaacisay in ay safiir cusub ay u soo magacowday Soomaaliya , kaasoo badeli doona safiirkii hore ee dowladda UK u joogay Soomaaliya.

Safiirka cusub oo kasoo shaqeeyay dalal dhowr ah oo dunida ku yaal , islamarkaana ah siyaasi si weyn looga yaqaano dalka Ingiriiska ayaa badali doona safiirkii horay dowladda Ingiriiska u qaabilsanayd Soomaaliya Harriet Mathews.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in safiirka hore ee dowladda Ingiriiska u fadhiday Soomaaliya loo magacaabay xil kale oo cusub islamarkaana safiirkaan cusub uu ka shaqeyn doono xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Ingiriiska.

Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa David Concar , waxaana uu xilka la wareegi doonaa bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2017.

LEAVE A REPLY