Ciidamo beeleed gadoodey oo xanibay isusocodka mid kamid ah waddooyinka Sh/Dhexe.

Ciidamo beeleed gadoodey oo xanibay isusocodka mid kamid ah waddooyinka Sh/Dhexe.

SHARE

Ciiddan ka tirsan Milliteriga Dowladda Federalka oo ka soo ruqaansaday fadhigooda dhexe ee Degmadda Mahadaay ayaa waxay galabta fariisimo ka sameysteen Labada Jid ee soo gala magaalladda Jowhar.

Ilo Xog-ogaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in Ciiddankaasi oo wata ilaa 8 gaadiidka dagaalka ee Teknikadda ka gadoodsan yihiin qorshe ay Guddiga Doorashadda Hirshabelle ku doonayaan in Musharax Haweeney ku hayb ah Ciiddankaasi isku soo taagto xubnaha Maamulka Hirshabelle ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.

Ciiddankaasi oo ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha wada deggan Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan qorshahaasi, waxayna ka digeen inay Haweeney u matasho xubinta Beeshooda ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay caawa xanibeen dhamaan Gaadiidkii soo geli jirey iyo kuwii ka baxay magaalladda Jowhar.

Dhinaca kale, Maamulka Gobalka Sh/dhexe iyo Odayaasha Dhaqanka ee Jufada Harti-abgaal ayaa ku hawlan sidii ay Ciiddanka gadoodsan ugu qancin lahaayeen inay joojiyaan Gadoodka iyo inay dib ugu laabtaan Saldhigooda ku yaalla Degmadda Mahadaay.

Qaar ka mid ah Dadka ku nool magaalladda Jowhar ayaa sheegay inay dareemayaan xaallad cabsi leh, kana baqdin qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

Xalay ayey ahayd, markii ay Ilaaladda Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Xasan Nuur iyo ilaalo kale isku rasaaseeyeen gudaha Jowhar, iyadoo 6 qof lagu dhaawacay iska horimaadkaasi.

Ilaaladda Wasiirka ayaa la sheegay inay colaadda bilaabeen, kadib, markii Wasiirka looga guuleystay Kursiga Beeshiisa ku leedahay xubnaha Maamulka HirShabelle uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

LEAVE A REPLY