Canada oo masaafurineysa dad Ajnabi ah oo uu kamid yahay nin soomaali...

Canada oo masaafurineysa dad Ajnabi ah oo uu kamid yahay nin soomaali ah.

SHARE

Teleefishinka CBC News ee dalka Kanada ayaa shaaciyey inay Hay’adda Adeegga Xuduudka ee dalkaasi qorsheynayso inay soo masaafuriyaan ilaa 5 qof oo uu ka mid yahay Nin Somali ah oo xukun la’aan loogu hayo Xarunta dadka lagu hayo ee Edmonton Remand Center.

C/kariim Geelle oo 31-jir ayaa la sheegay inuu ka xanuunsan yahay Dhimirka, kaasi oo ay Hay’addaha Ammaanka Kanada ku eedeynayaan inuu ka tirsanaa Koox Burcad ah iyo inuu buuxsamay Diiwaankiisa Dembiyada (Criminal records).

Dowladda Federalka Somalia ayaa horey ugu sheegtay Maamulayaasha dalka Kanada inaysan aqbali ddoonin in dib loo soo celiyo dadka uu ka mid yahay Dhibanahaasi la dhibaataysan cuddurka ku dhacda Maskaxda.

Dowladda Kanada ayaa rumeysan inay khatar xooggan keeni karto, haddii ay sii daayaan C/kariim Geelle.

Dhinaca kale, Qareenadda ayaa si kulul u naqdiyey tallaabadda ay Dowladda Kanada xabsiga ugu hayso dadka xanuunsan iyo kuwa dhimirka la’.

Qareenka u doodaya C/kariim Geelle iyo Maamulayaasha Dowladda Kanada ayhaa iminka eegayo tab kale oo lagu hagaajin karo dhibaatadda caafimaadka ee Dhimirka.

Waxaana suurtogal in dadka ku xanuunsan Xarumaha dadka lagu hayo loo wareejin doono Xarunta Dhimirka ee Machadka Louis Philippe Pinel oo ku yaalla magaalladda ugu weyn dalka Knaada ee Montreal.

LEAVE A REPLY