Beesha Tumaal oo Kursigeedi ku Soo baxay Yusuf Xeyle Jimcaale,

Beesha Tumaal oo Kursigeedi ku Soo baxay Yusuf Xeyle Jimcaale,

SHARE

Waxaa goordhaw magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug lagu doortay Yuusuf Xeyle Jimcaale in uu kamid noqdo Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu ka guuleestay musharaxadii uu la tartamayay oo lagu Magcaabo Khadiijo Xaashi Gacal

Kursiga Beesha Tumaal ee Aqalka Hoose ayaa waxaa ku tartamayay labada ruux ee kala ah Yuusuf Xeyle Jimcaale iyo Khadiijo Xaashi Gacal, waxaana ugu dameyn kursigaasi kusoo baxay Yuusuf Xeyle oo helay 48-cod halka Khadiijo iyana heshay 2-cod.

Magaalada Cadaado ayaana si habsami leh waxaa uga socota doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaana maanta lagu doortay ilaa sadex Xildhibaan, waxaana dhawana la filayaa in la doorto Xildhibaano kale oo harsan.

sawir1 sawir3 sawir4 sawir6 sawir_7 sawir_5

 

LEAVE A REPLY