Maxaa u qabsoomay Guddiga dhex dhexaadinta loosaaray colaadda Gaalkacyo.

Maxaa u qabsoomay Guddiga dhex dhexaadinta loosaaray colaadda Gaalkacyo.

SHARE

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Weheliye oo Hogaaminaya Wafdi dhex-dhexaadin ah oo ku baxay Xalinta Colaadda Magaalada Gaalkacyo ee u dhexeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegay in ay booqan doonaan Dadkii ka Barakacay Magaalada Gaalkacyo ee ku kala nool Labada dhinac ee Magaalada si ay u soo arkaan Xaaladda ay ku nool yihiin.

Abwaan Xirsi dhuux ayaa intaa raaciyay in Guud ahaan Magaalada Gaalkacyo ay socod ku mari doonaan iyaga oo wata Calanka Nabadda islamarkaana kaashanaya Bulshada Labada Maamul ku abtirsata.

Sidoo kale Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in weli aysan jirin Ififaale muujinaya kala qaadista Ciidamada is hor fadhiya,balse Madaxda Labada Maamul iyo Guddiyada labada dhinac ay wadaan dadaalo lagu kala qaadayo Ciidamada Magaalada isku hor fadhiya.

LEAVE A REPLY