Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegey in shir-weyne lagu qaban doono dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegey in shir-weyne lagu qaban doono dalka.

SHARE

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan Magaalada Muqdisho lagu qabanayo Shir weyne loogu Magac daray Talo Qaran oo looga hadlayo Arrimo Quseeya Marxaladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Shir weynaha Talo Qaran Talooyinka laga dhiibanayo ay yihiin,kuwo laga soo aruuriyay Dalka iyo Dibad intaba islamarkaana looga goleeyahay sidii Talooyinka la isku dhaafsan lahaa oo Dowlaxdda Soo socota ay u sameyso Istaraatiijiyad iyo Siyaasad Cad intaba.

Madaxwenaha Soomaaliya Mudane Xasann Sheekh Maxamuud ma sheegin Waqti Cayiman oo Shirkaasi la qabanayo,waxaana dalka hadda ka socota Doorashooyinka Aqalka Hooase.

LEAVE A REPLY