Kulan loogasoo horjeedo Muslim nacayba oo ka dhacay Minisota.

Kulan loogasoo horjeedo Muslim nacayba oo ka dhacay Minisota.

SHARE

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnisota waxa gelinkii dambe ee Khamiistii shalay lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaalida ee gobolkaasi.

Kulankaasi, oo ay ka soo qayb galeen qowmiyadaha kale ee ugu badan gobolkaasi, ayaa looga hadlayay sidii dadka laga tirade badan yahay oo ay ku jiraan Muslimiinta iyo madowga aan loogu dhibaateyn gudaha gobolkaasi.

Arrintaasi waxay ka dambeysay kadib walaac fara badan oo la soo dersay dadka laga tirada badan yahay qaarkood, kadib doorashadii Donald Trump ee toddobaadkii tagay.

Siyaad Cabdillaahi oo isagu kamid ahaa daka soo qaban qaabiyay kulanka ayaa sheegey in ay u qabteen in jaaliyadaha ree minisota ay wada hadalaan sidii ay u muujin lahaayee sida ay uga soo horjeedaan naceyba, waxayn augu baaqeen dadka ku kacaya falaka midab takoorka wada in ay ka waantoobaan.

LEAVE A REPLY