Xasan Sheekh oo u muuqda inuu guul ka gaari karo doorashada 2016

Xasan Sheekh oo u muuqda inuu guul ka gaari karo doorashada 2016

SHARE
Somalian President Hassan Sheikh Mohamud speaks during a press conference with US Secretary of State Hillary Clinton following meetings at the State Department in Washington, DC, on January 17, 2013. AFP PHOTO / Saul LOEB

Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud ayaa mar kale u muuqda inuu guul ka gaari doono doorashada dalka ka dhacaysa dabayaaqada bishaan ee lagu dooranayo Madaxweynaha cusub ee qaban doona 4-ta sano ee soo socata talada dalka Soomaaliya.

Doorashada Dalka ka dhici doonta waxaa mar kale Madaxweynaha Cusub dooranaya Xildhibaannada ay soo doortaan Ergooyinka matalaya Beelaha Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in illaa hadda musharrixiinta ku guuleystay kurasta Aqalka hoose ee baarlamaanka ay yihiin xildhibaanno aad ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashooyinkii shalay ka dhacay magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar ayaa si cad u muujiyay dib usoo noqoshada madaxweyne Xasan Sheekh, maaddama ay soo baxeen xildhibaanno ay aad isugu-dhowyihiin.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku soo baxay doorashada ka dhacday Cadaado iyo Jowhar, waxaa kalo guuleystay xildhibaanno hore iyo siyaasiyiin ay madaxweynaha ay aad isugu dhow-yihiin.

Musharrixiin badan ayaa sanadkan ka qayb-galaya doorashada madaxweynaha, waxaa ka mid ah siyaasiyiin miisan-weyn ku leh siyaasadda dalka,waxaase la arkaa inay adkaan doonto guul laga gaaro, waxaa laga dhex arkay doorashadii ugu dambeysay heerka uu gaarsiisan-yahay dadaalka uu madaxweyne Xasan ku doonayo inuu mar kale dib ugu soo laabto talada dalka.

Doorashada ka dhacaysa sanadkan dalka,waxaa loo arka mida ugu adag ee abid ka dhacda Soomaaliya, sida ay qabaan dadka fallaan-qeeya siyaasadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY