Muqdisho oo maanta Roobab si fiican loogu qaboowsaday ka da'een.

Muqdisho oo maanta Roobab si fiican loogu qaboowsaday ka da'een.

SHARE

Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda saakay waxaa ka Da’aya Roobab ay ku diirsadeen Dadka iyo Duunyada ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana Roobabka ay hakiyeen isu socodka Gaadiidka iyo dadka.

Sawiro laga soo qaaday Roobabkana ayaa muujinaya wadooyinka qaar ee Muqdisho oo biyo badan ay fariisteen, waxaana Roobabkan ay yihiin kuwo dadka ay ku diirsadeen.

Dadkii saakay u shaqo tagi lahaa goobahooda ayaa guryahooda ku hakaday roobabka oo saacado badan da’aya awgiis.

Labo maalin ka hor ayaa ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka laga sameeyay Salaad roob doon ah.

LEAVE A REPLY