Maamulka Puntland ayaa wada qorshe aan horey looga baran.

Maamulka Puntland ayaa wada qorshe aan horey looga baran.

SHARE

Wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Puntladn ayaa faah faahisay halka ay marayeen howlaha loogu gurmanayo dadka ay abaartu sameysay oo ku nool gobolada Puntland gaar ahan deegaanada ay abaartu sida ba’an looga dareemay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha dowladdaha hoose iyo horumarinta reermiyiga ee dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa shegay in iminka howlaha loogu gurmanayo dadkaasi ay sii kordheen islamarkaana la isku racay in si wadajir ah looga wada qeyb qaato.

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay in loo bahan yahay shacabka Puntland ha ahaato kuwa Ganacsatada ah iyo bulshada qeybaheeda kale in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka ay abaartu sameysa

LEAVE A REPLY