Maamul Gobaleedkii ugu horreeyey oo soo dhameystiray Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka...

Maamul Gobaleedkii ugu horreeyey oo soo dhameystiray Doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

SHARE

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyey ee dhameystira inta badan xubnaha ku metelaya aqalka hoose ee baarlamanka Somalia.

Waxaa maamulkan loo qoondeeyey inuu buuxiyo 43 kursi oo ka mid ah 275-ka kursi ee uu kooban yahay aqalka hoose ee baarlamanka Somalia, waxaana maalmahan ka socday doorashooyin ergooyinka beelaha ay ku kala saarayeen musharaxin isku soo taagay iney ku guuleystaan kuraastan.

Labo ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee Juballand ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo kuwaasoo kala ah Maxamed Cali Magan iyo Daleys Xasan Aadan.

Waxaa kale oo ka mid ah xubaha la doortay siyaasiyiin caan ah, ganacsato iyo dhalinyaro ku cusub siyaasadda oo qaarkood doorashada kaga guuleystay rag wasiiro iyo xildhibaano soo ahaa in ka badan toban sano, waxaana arintan ay noqotay isbedel cusub oo aad loola yaabay.

Waxaa kale oo xusid mudan in doorashada xubnaha aqalka hoose ee Juballand ay aheyd tan ugu dhibka iyo isqabqabsiga yar marka loo eego doorashooyinka la midka ah ee ka socda magaalooyinka kale ee dalka.

Haddaba hoos ka akhriso liiska magacyada 42-ka mid ah 43-ka xildhibaan ee laga rabay iney Juballand ku metelaan aqalka hoose ee baarlamanka Somalia:-
jubalaaaan

LEAVE A REPLY